Caawinta ay Nollalinja iyo Guryaha ammaanku siiyaan dadka loo gaystay rabshadaha qoyska dhexdiisa ka dhaca
Adeegga Nollalinja iyo Guryaha ammaanka waa kuwo bilaa lacag ah oo loogu tala galay dadka loo gaystay ama ka cabsi qaba rabshadaha qoyska dhexdiisa ka dhaca. Waxa aad caawin ka dalban ilaa marka aad shaki oo keliya ka leedihid in aad adigu la kulantey ama gof kuu dhow la kulmey rabshada qoyska.
Rabshadaha qoysaska dhexdooda ka dhaca, waxa ka mid ah, tusaale ahaan waxyeelaynta loo gaysto lamaanaha ama lamaanihii hore ama ilmaha ay hooyada/aabuha guurka kale ku dhaleen. Sidoo kale waxa ka mid ah waxyeelaynta ehelka, waalidka ama qaraabada kuu dhow. Rabshada haweenka loo gaysan karo waxa ay noqon kartaa hanjabaad ku saabsan qaab-galmeedka qofka. Tusaale ahaan in qofka lagu khasbo wax aanu doonayn oo xornimadiisa guriga ama tan dibada laga qaado.
Sidoo kale rabshadaha waxa loo arkaa, tusaale ahaan marka qofka la caayo ama xoog looga masayro. Qofka oo la go’doomiyo , alaabo ama weel lagu tuuro ama alaabaha oo agtiisa lagu jajabiyo. Sidoo kale waa qalad in si joogta ah taleefanka looga soo waco oo loo hanjabo qofka. Rabshadaha dagaalka leh waxa ka mid ah feedhka, riixidda, ciijinta, gubidda ama laadka. Rabshada galmeed waxa ka mid ah, tusaale ahaan in qofka hoos loo dhigo oo qaab-galmeedkiisa wax laga sheego ama in galmo lagu khasbo ama la kufsado. Rabshadaha dhanka dhaqaalaha waxa ka mid ah, in tusaale ahaan qofka loo diido lacag uu raashin ku iibsado, in lagu khasbo in uu dayn aanu u baahnayn qaato, in lagu khasbo in uu lacag isticmaalo ama laga kontaroolo akoonkiisa bankiga oo lagana qaado kaarka bankiga.
Nollalinja
Taleefan lambarka Nollalinja waa 080 005 005.
Nollalinja waa taleefan lambar oo loogu talo galay in dumarka iyo maatidu la soo hadlaan, si loo caawiyo marka loo gaysto ama ay ka cabsi qabaan in lagu sameeyo rabshadaha qoyska dhexdiisa ka dhaca. Sidoo kale dadka qaraabada ah ee dhibkaa arkaya, way la soo hadli karaan taleefankan.
Nollalinja waxa uu:
- furan yahay 24/7
- Waa adeeg taleefan oo bilaa lacag ah.
Marka aad nala soo hadasho
- waxa and naga heleysaa aaminaad buuxda. Shaqadayadu waxa ay ku salaysantahay aaminaad .
- looma baahna in magacaaga iyo aqoonsigaaga la ogoodo.
- Looma baahna in aad magacaaga sheegto.
- Taleefanka lagama arkayo biilka taleefanka.
- Taleefan lambarkaaga lagama arkayo meeshan Nollalinja.
Taleefankan Nollalinja waxa kaa qabanay oo ku qaabilaya dad khibrad leh oo u tobobaran xifradaha sooshalka iyo caafimaadka. Dadkan Nollalinja ee ku qaabilaya, si fiican ayey kuu dhagaysanayaan, way kula talinayaan oo way ku taageerayaan.
Turjumidda taleefanka
Nollalinja waxa uu ku siinayayaa turjubaan ku hadla luuqadahan: Yukreeniyaan, Isbaanish, Thai, Ruush, Carabi, Farsi, Dari, Somali, Sooraan. Dadka taleefanka Nollalinja qabanayaa waxa ay ku hadlaan Finnish, Swiidhish iyo Ingiriisi
Marka aad u baahantahay in taleefan laguugu turjumo, Isla markiiba sheeg luuqadda aad ku hadasho ee laguugu turjumayo. Ku adkee oo ku soo cel celi luuqadaada, si ay shaqaalaha Nollalinja kuu fahmaan oo turjubaan kuugu dalbaan. Sug oo khadka ku jir, in ta laguu helayo turjubaanka. Waxay qaadan kartaa ugu badnaan 10 daqiiqo oo kaliya.
Turjumid taleefan iyo lambarka taleefanka oo aan la arkayn
Nollalinja ma arkayaan taleefanka aad ka soo hadlayso, markaa Nollalinja kuguma soo celin karaan taleefanka. Marka aad soo hadashana looma baahna in aad magacaaga u sheegto shaqaalaha Nollalinja iyo turjubaankaba.
Hadii aad u malaynayso, in aad turjubaanka taqaano, waad goyn kartaa taleefanka oo mar labaad ayaad Nollalinja soo garaaci kartaa. Qof kale oo turjubaan ah ayaa laguu raadinayaa.
Turjumaanada waxaa saaran mas’uuliyad sireed.
Mas’uuliyadda ogaysiiska
Shaqaalaha heeganka ee Nollalinja waxaad xaaladdaada uga sheegi kartaa inta aad adigu rabto mar walbana waxaa kuu bannaan inaad aqoonsigaaga iyo magacaagu uu qarsoonaado. Haddii macluumaadkaa aad sheegtay uu yahay mid keeni kara in la sameeyo wargelin saraakiisha dowladeed la gaadhsiinayo, shaqaalaha heeganka ee xaaladaha xasaradaha ayaa kuu sheegaya in wadahadalkiinaas uu yahay mid keenaya in sarakiisha dowladeed lala xidhiidho wuxuuna ku sii waydiin doonaa macluumaadka dheeraadka ah ee loogu baahanyahay wargelintaas. Haddii aanad macluumaadkaas sheegin wargelinta lama sameyn karo wadahadalkana waa la sii wadayaa caawimaadda lagu siinayana waxaay ku koobnaanaysaa waxqabadka loo qaban karo qofka aanan la aqoonsan karin. Arrimaha khuseeya mas’uuliyadda wargelinta waxaa lagu tixraacayaa sharciga Finland iyo caadooyinka waxqabad ee Nollalinja.
Guryaha ammaanka ee dhibanaha loo gaystay rabshadaha qoyska
Guryaha ammaanku waxa ay caawiyaan dhibanaha loo gaystay ama ka cabsi qaba rabshadaha qoysaska dhexdooda. Maalin walba iyo saacad kastaba waad iman kartaa guryaha ammaanka. Looma baahna in xafiis uu guryaha ammaanka kuu soo diro, adiga ayaa si toos ah iskaa ugu iman kara. Waxa aad toos ula soo hadli kartaa guriga ammaanka ama looma baahna in aad soo hadasho ee si toos ahba u kaalay guryaha ammaanka. Meel kasta oo uu ku yaalna waad tegi kartaa.
Shaqaalaha guryaha ammaanka waxa loo tobobaray in ay wax u qaban karaan dadka la soo kulmay rabshadaha qoysaska. Guriga ammaanka waad iman kartaa kaligaa ama adiga iyo caruurtaba. Dadka waawayn iyo caruurtaba waa lagu caawiyaa guryaha ammaanka. Waxa uu guri ammaanku ku siinayaa qol, raashin, gogol iyo alaabaha laysku nadiifiyo oo dhan. Guriga ammaanka waxa loo ogol yahay, in ay turjubaan isticmaalaan marka ay adiga ku caawinayaan.
Guryaha ammaanka
- way furan yihiin 24/7
- waa bilaa lacag
- Dadka rabshadaha qoysaska la kulmay ama ka cabsi qaba in dhib loo gaysto, Qof da’ kasta ah, nin iyo naagba waa loo ogol yahay in ay imaadaan.
- Guryaha ammaanku waa kuwo magangeliyo leh oo taageer, caawin iyo taloba aad ka helayso.
Suomeksi
Nollalinja ja turvakodit lähisuhdeväkivaltaa kokeneiden apuna
Nollalinjan ja turvakodit ovat täysin maksuttomia palveluja kaikille lähisuhdeväkivaltaa ja sen uhkaa kokeneille. Voit hakea apua myös silloin, kun et ole varma oletko sinä tai läheisesi kokenut väkivaltaa.
Lähisuhdeväkivallalla tarkoitetaan niitä tapahtumia, joissa henkilö on väkivaltainen nykyistä tai entistä kumppaniaan, lastaan tai puolisonsa lasta, vanhempaansa, muuta lähisukulaistaan tai muuta läheistään kohtaan. Naisiin kohdistuvalla väkivallalla tarkoitetaan sukupuoleen perustuvaa uhkaamista, pakottamista tai vapaudenriistoa julkisessa tai yksityisessä elämässä.
Väkivalta voi olla esimerkiksi haukkumista, voimakasta mustasukkaisuutta, eristämistä, tavaroiden hajottamista, toistuvia epätoivottuja yhteydenottoja ja väkivallalla uhkaamista. Fyysistä väkivaltaa ovat esimerkiksi lyöminen, töniminen, kuristaminen, polttaminen ja potkiminen. Seksuaalista väkivaltaa ovat esimerkiksi seksuaalinen halventaminen, pakottaminen seksuaaliseen kanssakäymiseen ja raiskaus. Taloudellista väkivaltaa on esimerkiksi se, että joutuu yleensä pyytämään rahaa perheen perushankintoihin, painostetaan ottamaan velkaa, vahditaan rahankäyttöä, kontrolloidaan pankkitilin käyttöä ja otetaan pankkikortti pois käytöstä.
Nollalinja
Nollalinjan puhelinnumero on 080 005 005.
Nollalinja on auttava puhelin kaikille lähisuhdeväkivaltaa tai sen uhkaa kokeneille ja väkivaltaa kokeneille naisille. Myös läheiset voivat soittaa Nollalinjaan.
Nollalinja on
- auki 24/7
- maksuton puhelinpalvelu
Puhelusi meille on
- täysin luottamuksellinen
- anonyymi
- Sinun ei tarvitse kertoa nimeäsi.
- Puhelu ei näy puhelinlaskussa.
- Puhelinnumerosi ei näy Nollalinjassa.
Nollalinjalla päivystävät koulutetut ja kokeneet sosiaali- ja terveysalan ammattilaiset. Nollalinjan päivystäjät kuuntelevat, tukevat ja neuvovat sinua.
Puhelintulkkaus
Nollalinja tarjoaa puhelintulkkausta seuraavilla kielillä: venäjä, arabia, farsi, dari, somali, sorani, thai, espanja, ukraina. Nollalinjan päivystäjät puhuvat suomea, ruotsia ja englantia.
Kun tarvitset puhelintulkkausta, kerro puhelun alussa kieli, jolla toivot tulkkausta. Toista kieli useamman kerran, jotta Nollalinjan päivystäjä ymmärtää millä kielellä tilaa tulkkauksen. Odota sitten puhelimessa, kunnes päivystäjä saa yhteyden puhelintulkkiin. Se kestää korkeintaan 10 minuuttia.
Anonyymi puhelu ja puhelintulkkaus
Nollalinjassa ei nähdä numeroa mistä soitat, joten Nollalinjalta ei voida soittaa sinulle takaisin. Soittaessasi sinun ei tarvitse kertoa nimeäsi Nollalinjan päivystäjälle eikä tulkille.
Mikäli epäilet tuntevasi tulkin, voit katkaista puhelun kertomatta syytä ja soita uudelleen Nollalinjaan. Päivystäjä pyytää tulkiksi eri henkilön. Tulkit ovat vaitiolovelvollisia.
Ilmoitusvelvollisuus
Voit kertoa Nollalinjan päivystäjälle sen verran tilanteestasi ja itsestäsi kuin itse haluat ja sinulla on aina halutessasi mahdollisuus pysyä nimettömänä. Jos kertomasi tiedon perusteella on tarve tehdä viranomaisilmoitus, kriisipäivystäjä kertoo, että keskustelun pohjalta on oltava yhteydessä viranomaisiin ja kysyy ilmoitukseen tarvittavat tiedot. Jos et anna tietojasi, ilmoitusta ei voida tehdä ja keskustelua jatketaan ja tarjotaan apua anonyymin yhteydenoton sallimin keinoin. Ilmoitusvelvollisuutta koskevissa asioissa noudatetaan Suomen lainsäädäntöä ja Nollalinjan toimintakäytäntöjä.
Turvakodit lähisuhdeväkivallan uhreille
Turvakodit auttavat lähisuhteissa väkivaltaa tai sen uhkaa kokeneita. Voit hakeutua turvakotiin päivästä ja kellonajasta riippumatta. Turvakotiin ei tarvitse lähetettä ja palvelu on ilmaista. Voit soittaa turvakotiin ennen tuloasi, tai tarvittaessa voit mennä turvakotiin myös soittamatta. Voit hakeutua mihin turvakotiin tahansa.
Turvakotien henkilökunta on koulutettu kohtaamaan lähisuhdeväkivaltaa kokeneita. Voit tulla turvakotiin yksin tai lasten kanssa. Turvakodissa aikuiset ja lapset saavat apua väkivallan kokemuksiinsa. Turvakodissa saat käyttöösi oman huoneen, ruokaa, liinavaatteet ja välttämättömät hygieniatuotteet. Turvakodit voivat hyödyntää tulkkipalveluja sinua auttaessaan.
Turvakodit
- auki 24/7
- maksuton
- lähisuhdeväkivaltaa tai sen uhkaa kokeneille iästä ja sukupuolesta riippumatta
- turvattua asumista sekä tukea ja neuvontaa tilanteeseesi